Sunday 2 May 2010

Haji Waraabe

Haji Waraabe by Jerdine





















Haji Waraabe (Haji the Hyena the 19-20 century Reer Ainanshe warrior at the battle of hogaagane and head of previous battles with O'gaden and Darawish,


Haji Warsame Buralle (Haji Buralle) (Reer Sugulle, Habar Yoonis) – 1 of the most remarkable Isaaq warriors of the 20-19th century of all the time defeated the Dervish under a organized clan raid under the leadership of Haaji Waraabe ("Haji the Hyena with 5000 Habar Yoonis and Ciidagle battle hardened army.


The last battle was 1921 when 5000 Strong Habar Yonis Warriors led by Xaji Waraabe – The Hyena raided Qoraxay and killed most of the Dervish a tribal raid under the leadership of Haaji Waraabe ("Haji the Hyena") armed fully attacked and killed the remaining Dervish and took away about 60,000 livestocks in loot but failed to catch Hassan.
he survived and moved to Iimiy with few of his closest relative where he married a 13 year old who still survives till now in Hiiraan, few months later he died of his wounds. She was interviewed in 2002.
Haji Warsame Buralle he was from the Habar Yoonis clan - Reer Sugulle he lead an army of Habar Yoonis hoursemen and Ciidagale that had annilated the Dervish that day battle of hogaagane, the Habr yunis took 60,000 in booty Camels the Habar Yonis - had Reer Hagar and Cali Geri side with them -& carried the Armies waters . After the annilahtion the Reer Hagar and Cali Geri , Axmed garad were told we will spilt the share in Burco. When Habr yunis got to Burco Reer Hagar and Cali Here were told to get lost and dissapear out of sight, Still this day some Dhulbahante ask the habr yunis for their Share of the looted booty camels.

Gabaygii 2aad ee Silsiladdii Rayad ahna gabaygii 1aad ee Qamaan Bulxan



Gabaygii Diradiraale ee Cali-dhuux ayaa dhinac walba u dabayshaday. Qamaan Bulxan oo Cali or iyo jiib yaqaanay ayaa u jawaabay oo Silsiladdii Rayad soo galay. Gabayga Qamaan mar waa xaajo, mar waa garaabid, mar waa goodi, mar garashada iyo garaadka Cali-dhuux ayuu la yaaban yahay marna diradiraalaha Cali-dhuux ayuu farta ku fiiqayaa. Mar kale Qamaan wuxuu shee... haddii aan Ingiriis baardaajinaynin inaan Isaaq Ogaadeen la ekeekameen.



Qamaan wuxuu Cali-dhuux ku gawriyey inuu diradiraalaha dhaafo haddiise uu cagta u dhigiwaayo in isaga uun ay la ciiri doonto. Wuxuu caddeeyey in Ogaadeen siijeedkiisa dad badani ku dagmi doono iyo in Cali-dhuux doqonimo awgeed uu Isaaq guddoonsiiyey guulo badan oo aysan soo hoyinin.



Wuxuu ku dooday in Isaaq xididnimo, asluub iyo daris wanaag ku degan yahay Doollo deyrna u yahay habar dugaag iyo Harti, dhul ay qaateen ama durugsadeenna uusan jirin. Haddiise Ogaadeen iyo Isaaq dagaalamo waxa aad Caliyow ka helayso ayaan garan waayey, ayuu sii raaciyey.



Duullaankii Hagoogane la baxay ee Ingiriis iyo cawaamkiisba ku saareen Ogaadeen iyo Daraawiish iyo geelii duulaanka lagu soo qaaday inay Habar Yoonis iyo Dhulbahantihii Ingiriiska la socdayba, sida Reer Hagar iyo Cali-geri qaarkii, ahaayeen kuwii ka qayb qaatay dakanadaasina meel u taalo, gabaygiisuna uu daacadda ka fog yahay, ayuu ku dooday. “Gacantii wax qaadka taqaan gumudkaa dhaqdhaqaaqa” oo waad naga cabsanaysaa ee haddii sidaad sheegtay xaalku yahay adiguba nama aadan dayseen ayuu ku gujiyey. Wuxuu xusay in geesiyadii ugu magac dheera Dhulbahante Isaaq laayey, Dhulbahantena dhulkoodii ay Habar Jeclo ka faramaroojisay, maganna ay aqalkoodii ku yihiin.



Wuxuu ku goodiyey in Ogaadeen oodda soo jabiyey, adduunna rogi doono. Wuxuu ku ceebiyey Cali-dhuux inuu yahay nin Daarood kalagurkii iyo Dhulbahante dakanadii ku caanbaxay sida marka Qamaan leeyahay “dalkaad ina adeerkaa dhigtaad, wali de...saaye.” Iyo inaan Qamaan hadalka loo dusinkarin, Cali iyo isbihinbihintiisana uu aad u yaqaano kana aragti dheeryahay.



Caynaba maad soo dhicisid haddaad tabar hayso ama maad tolkaa gabayga ku guubaabisid haddaad raganimo leedahay ayuu ku dacwiyey. Ingiriis haddii uu i dilay saw Isaaq iyo Dhulbahanteha Ingiriiskaa la socda iska kay daliilaysan mahayaan, sida aarku kolkuu raqda ka noolaado ay dawacada iyo haaddu u feenfeentaan wixii meesha ku hadhay.



Qamaan wuxuu isticmaalay luuqad aad u saraysa oo maahmaah iyo murti leh. Halqabsiyo badan oo gees walba Soomaaliya laga isticmaalo ayaa gabaygan kasoo jeeda. Wuxuu yidhi:



Caliyoow dabuubtaadi gabay, daayinkaa wadaye

Dabaylaha xagaagee dafliyo, daafigaa sidaye

Noo dooji doogiyo sidii, dararta xolaadde



Diirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax daaweyne

Dadkana uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye

Anna waan ku diirsaday, Ilaah derajo siiyoowe



Daaraan garbaha qoon hulaad, damaqday Dhuuxoowe

Dibirrooti buu dhacay, raggaad dabaqadayseen

Waa gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya

Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagada weeyaane



Dulkaa jooji waan kula dacwiyi, doodna waan odhane

Dabbaad ololisaa kumana gubo, daa'in abidkaaye

Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane

Daaskaad fadhido saw gubee, degelkan qiiqaabi



Haddayse daacad xaajadu tahoon, lagu denbaabaynin

Danbaaburada naareeed haddaan, dhinacu doonaynin

Seeddoow maxaad noogu digan, dakharku waa kiinne



Goormayse degmadu noo miyeen, dawgalbaa jira e

Daldhacsiga danaasaca la mood, dawr inaan ahaye

Is dalleemintaydaa ninkii, dagani eedaaye



Dubihii ku dhacay Ina Barwaaq, dagi aad maysaane

Daaduunka caydheed raggaa, dibbadda meeraaya

Docmo[1] iyo Hartaa[2] lagu ogaa, dalawadoodiiye



Cali-gerigaa daadhiib shalay, naga durduurteene

Waa kaa darfiyey caanihii, dagiyo heemaale

Anna waxan dibiray waa dagaag, dayrar soo xulaye



Nimay gacantu daabulo tiqiin, beri hadduu daayo

Uu yara dalleensado intii, ducasan loo yeelo

Dambanmahayo waa... xubnuhu, yara dubaaxshaane

Inaad deysid beel dagan adoon, dani ku seetaynin

Dabcigeedba yaa kugu yiqiin, digasho mooyaane?



Hadday debecdo waw hiiliyaa, doqon walaalkeede

Diiftiyo ushay garan intaad, dayada haysaane

Dunna haddaadan ii tarin maxaad, iigu dana sheegan?



Dooyaha fardaha maalintaad, deleb ku qaadaysey

sidii duul Amxaara ah markaad, nagu dabraynaysey

Intaad haatan ii laba dublayn, muu damqado jiidhku?

Daarood Ismaaciil ahaan, hilibku muu diiro?



Toorida ninkii kuu dadbee, daabku uu celiyey

Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane

Dakanadayda yaa kaa xigood, igu danayn haatan?

Aar soo dibjirey neef hadduu, daacuftii geliyo

Uu kaga digsiiyuu ilkaha, dhiigga kaga daadsho

Dugaaggaa yaryari saw ka cuna, duufka hadhay maaha?[3]



Aday dilaye goormaa Isaaq, Doollo iga qaaday?

Maxaa godobtii Daarood lahaa, dabacayuun siiyey?



Hadday Dibbixul[4] uga heesayaan, Daharba[5] waan siine

Miyey haatan daab iyo ul iyo, kaga cabbaan dawlis?

Bulsho daalis oo dibi dhaloon, loo danbarinaynin

Oo kii lahaa diidey bay, sidigtii doontaaye



Kuwan derisnay dooxeer haddaan, sebenka daaduunsho

Waxa adiga duug kaaga noqon, yayga degi waayey!



Gabdhaha doonnan dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqaynta

Kuwaan dihannay diricay dhaleen, waa dareeemada e

Muslinka hayga didin yaan Ibleeys, dawyo kaa ridine



Darka jabay dillaalkiyo dhulkuu, dabadku meeraayo

Deeqii Illaahay halkuu, xuliyey daadkiisa

Ii daa dugaagiyo Hartay, igaga deyraanne



Iidoor Dir weeyee hadduu, duulan soo kiciyo

Dunji Habar Magaadluhu[7] hadduu, dabarka soo qaato

Dunbuq iyo rasaastana hadduu, debecsanuhu siiyo

Horta yaa la da'a wayla yaab, dawyadaad xuliye?



Ogaadeen ka daan iyo ka daan, Doollo soo gudubye

Diinkaan akhriyey way iman, Dooy raggii jiraye

Dunji maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirinne

Ma demmaniye deynkayga, waan dabagelaayaaye



Idinkuba darkii Caynabaad,[8] deris ku taalliine

Dagaallama rag doorkii la laa, duubcaddii Hagare

Ama na daaya waan wada qabnaa, daawashiyo ceebe



Caliyoow da'daan ahay waqaa, looma duurxulo e

Duq gaboobey iyo wiil yarbaa, loo dedaa hadale

Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene



Ma dumaalo naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaane

Dayib[9] uma yidhaahdaan jeeroo, hawli daashado e

Nin walaalkii doorsaday Ilaah, derejo siin waaye

Dalkaad Ina-adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye[10]



Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane

Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye

Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye

Adna gabayga waad nagu danqiye, daacaddii maqane

Dubkaa nagaga kaa yaal, haddii lagugu deyrshaaye



Dilaal iyo malaal wuxuba waa, carabta deynkoode

Dibnihiinna uunbaan galoo, way dudubiseene

No comments:

Post a Comment