Monday 3 May 2010

Suldaan Cali Yuusuf oo gaalo baryaya

Suldaan Cali Yuusuf oo gaalo baryaya

Warqaddani ma ku soo xasuusinaysaa xaaladda maanta taagan ee ciidamada shisheeye lagu doonayo in lagu keeno Soomaaliya. Sida Cabdullahi Yuusuf maanta Xabashi u wato ayuu Suldaankii Hobyood ee Cali Yuusuf u ugu qayshanayey saancaddaalaha Talyaaniga si loogu kaalmeeyo hub uu ku qabsado Koonfurta Soomaaliya.

Bishii October 10keedii sannadkii 1892 ayaa Suldaankii Hobyood warqad u diray Filonerdi oo ahaa ninka dhisay xafiiskii Mustacmarada Talyaaniga ee Somalia[1]

"Waxan kugu wargelinaynaa in sannadakan aad na tuudheen waayo Doonyo nooma aysan imaanin sidii caadadu ahaan jidhey. Cidina weli nooma aysan keenin looxaantii, sidoo kalena ma haysanno wax raashin iyo rasaas ah. Sannadakan waxa dhacay dagaal qaraar. Dadka deegaankan saxaraha ahuna waa nagu mucaaradeen dagaal rag badan nalooga dilayna haddee waa dhacay.

Markii doonnidii Esfita ay baxday, waxaan rajaynayney in ruux dhankaaga ka imaan doono laakiin haddee illaa maanta ciduna ma aysan noo imaan. Taariikhda aan warqaddan qorahayo, Abu Bakr bin Cawad ayaa noo yimid oo noo keenay lacagtii aad na siin jidheen ee sannadka 1891. Waxan rajaynaynaa inaad nagu kaalmayn doontaaniin raashin iyo qalab dagaal waayo haddee badbaadadiinna ayaan ku jirnaa calankaagana waa harsanaynaa. Marka haddee u malayn mahayo inaa na illowdeen oo na tuudheen.

Hadda waxan ku naaloonaynaa imaatinkiinna iyo adinkoo wada waxaan idinka codsannay. Nimankan la yiraa Abu Bakr bin Cawad ayaa warka oo tifaftiran idin siinahaya. Waxaan rajaynaynaa inaad degdeg noo soo gaartaaniin sannadakan si aan wadar ahaan xaajadeenna u gudanno!

Haddee hadda waxan haynaa laba waddan: Hoybo iyo meesha la yiraa Ceel Huur, askar intii hore ka badanna waa haysanaaniin. Saaxiibbadeena la dilay waa 11. Doonteeniina oo ay alaabtannadii qaar saaran yihiinna sannadakan waxay ku jabtay Hobyo. Abaanoow lacag baan u baahnahay doonna hadde ma haysanno. Adigaa saaxiibkannaga ah mana ogin Masiixiyiin na gargaadha oon adiga ahayn, haddee calankaa kiinna ahna waa difaacnaa."

……………………………

On 10 October 1892 the Sultan of Obbia wrote to Filonardi, the architect of the Italian colonial administration in Somalia:

"We inform that this year we have been adandoned and there was no steamboat that has come to us, as it was the practice. Nobody has brought to us the woods and we have neither food nor cartridges. There was a serious war this year. The inhabitants of the desert have rebelled against us and there was a fighting in which some of ours have been killed.

After the departure of the steamboat Esfita we hoped some one would come from your side, but until now nobody came. On the date of this letter Abu Bakr bin Auad has arrived bringing to us the payment of the year 1891. We hope you will help us with food and the supply of war material, because we are under your protection and your flag. We would not think that you have abandoned us.

Now we wish your arrival together with what we have requested. ABu Bakr bin Auad will give full information. We hope you come soon this year to negotiate together.

Now we have two countries: Obia and Eil Hur and we have many soldiers different than before. Those of our friends killed are 11. Our saia (boat) has broken down this year at Obbia with some of our properties on board. We need money and we are without boat. You are our friend and we do not know other Christians besides you, and we defend your flag.”

[1] Mohamad Osman Omar, Somalia: Past and Present, pages 56 - 57

No comments:

Post a Comment